Maxkamadda denbiyada dagaalka ee ICC oo waaran xarig ah u jartey Netanyahu

21 November, 2024

Amarka lagu soo xiraayo ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga ayaa halis ugu jira in la xiro haddii ay tagaan dalal kale.

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, wasiirkii hore ee gaashaandhigga Yoav Gallant iyo hoggaamiyaha militariga Xamaas Mohammed Deif oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo la xiriira dagaalkii Gaza.

Waa markii ugu horeysay ee hogaamiyayaasha Israel ay maxkamadi ku soo oogto dacwad, taasoo ah go’aankii ugu muhiimsanaa ee taariikhda .

Netanyahu iyo Gallant waxay halis ugu jiraan in la xiro haddii ay u safraan mid ka mid ah 124 waddan ee saxiixay xeerkii Rome ee lagu dhisay maxkamadda. Israa’iil ayaa sheegtay in ay dishay Deif weerar cirka ah bishii July, laakiin maxkamada ayaa sheegtay in ay “sii wadi doonto aruurinta macluumaadka” si loo xaqiijiyo dhimashadiisa.

Maxkamadda ayaa xukuntay inay jiraan sababo macquul ah oo lagu aamino Netanyahu iyo Gallant inay qaadeen mas’uuliyadda iyagoo iska kaashanaya “dembiyada dagaalka ee gaajaynta ah; iyo dambiyada ka dhanka ah bini’aadantinimada ee dil, cadaadis, iyo falal kale oo ka baxsan bini’aadantinimada”.

Xafiiska Netanyahu ayaa dhaleeceeyay go’aanka maxkamadda isagoo ku tilmaamay “mid nacayb ah”.

Netanyahu wuxuu ku sheegay bayaan muuqaal ah: “Ma jiro go’aan ka dhan ah Israa’iil oo naga hor istaagi doona – mana iga celin doono – inaan sii wadno difaaca dalkeenna si walba”

Maraykanku waxa uu caddeeyey in ICC aanay awood u lahayn arrintan. Waxaana ay sheegeen in ay Israil ka wada hadli doonaan tallaabada ay qaadi doonaan.

Maraykanku waxa uu hore u soo dhaweeyay waarannada dembiyada dagaalka ee ICC ee ka dhanka ah Vladimir Putin iyo saraakiisha kale ee Ruushka ee gabood-fallada ka dhacay Ukraine, taas oo soo bandhigtay maamulka Biden laba wajiileynta uu ku dhaqmaayo.

HORSEED MEDIA