Maydka Madaxweynihii Hore ee Puntland oo La Keenay Garoowe

Published: July 15, 2020

Diyaarad sida maydka Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa Saaka laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Maxamed Abshir ee caasimadda Garoowe.

Maxamed Cabdi Xaashi oo hore u soo noqday madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ku geeriyooday wadanka Turkiga. Qaar ka mid ah Caruurtiisa iyo eheladiisa ayaa la socda maydka marxuumka oo la filayo in aas Qaran loogu sameeyo magaaladda Garoowe.

Madaxweynaha Puntland , Madaxweynaha Jubaland iyo madaxweynaha Galmudug iyo madaxda kale ayaa ka qaybgalaya Aaska Qaran ee loo samaynayo madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *