Messi iyo Mbappe oo ka wada tirsan kooxda PSG oo caawa midkood ku guuleysan doono koobka adduunka

Published: December 18, 2022
Shares8

Koobka Adduunka ee ka socda dalka Qatar ayaa soo xirmaya maanta, waxaana xulka koobkii kan ka horreeyey qaaday ee France ay final-ka tartanka ku wajihi doonaan Argentina garoonka Lusail Stadium.

Tababaraha Fransiiska Didier Deschamps oo ka mid noqday shakhsiyaadka ugu muhiimsan ciyaaraha ayaa doonaya inuu noqdo tababarihii ugu horreeyay ee laba jeer oo isku xigta ku guuleysta Koobka Adduunka kadib dagaalkii labaad ee Adduunka.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay labadan xul ku kulmaan koobka adduunka 2018 oo ay France 4-3 ku garaacday Argentina wareega 16-ka, kulankaas oo la dhihi karo waa kulankii ugu xiisaha badnaa ee ka dhaca Russia.

Ciyaarta kama dambaysta ah, waxa kale oo ay isku dhici doona xiddigaha Messi oo 35 jir ah oo ciyaaraya kulankiisii ugu dambeeyay ee Koobka Adduunka iyo saaxiibkiisa Paris Saint-Germain Kylian Mbappe oo 23 jir ah.

Labadan ciyaaryahan ayaa koobka aduunka ka dhaliyay min shan gool, waxaana ay u badan tahay inay ka tagaan dalka Qatar iyagoo heysta seddex koob, iyagoo sidoo kale ku tartamaya abaal marinta kabaha dahabka ee gooldhalinta iyo sidoo kale kubada dahabka ee ciyaaryahanka ugu fiican tartanka.

Horseed Media