Messi iyo xulkiisa Argentina oo muddo 36 sano ah kadib ku guuleystay Koobka Adduunka ee 2022-ka

Published: December 19, 2022

Xulka kubadda cagta ee Argentina ayaa ku guuleystay tartankii koobka kubadda cagta adduunka 2022 ee ka socday dalka Qatar, ka dib markii rigooreyaal ay kaga badiyeen xulka Faransiiska oo koobkani difaacanayay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 oo ay ku hoggaamineyso Argentina, waxaana goolka 1aad daqiiqadii 23aad u saxiixay Lionel Messi, halka goolka 2aadna uu daqiiqadii 36aad u xaqiijiyay Di Maria.

Ciyaartoyda Faransiiska oo isku dayado badan sameeyay ayaa la yimid 2 gool oo degdeg ah. Goolka hore oo rigoore ahaa ayaa waxaa daqiiqadii 80aad u dhaliyay Kylian Mbappe, isla Mbappe ayaa daqiiqadii 81aad goolkii barbardhaca u xaqiijiyay qarankiisa, taasoo natiijada ciyaarta ka dhigtay 2-2. 90kii daqiiqo ee ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 2-2.

Si labada xul loo kala saaro, garsoorihii ciyaarta ayaa ku daray 30 daqiiqo oo dheeri ah, waxayna labada dhinac 15-kii daqiiqo ee ugu dambeysay la yimaadeen min gool iyo gool. Argentina oo goolka ku horreysay waxaa daqiiqadii 108 u dhaliyay Messi, Faransiiska oo daqiiqadii 118aad loo dhigay gool kulaad ayaa waxaa shabaqa ku hubsaday Mbappe.

Maadaama ay labada xul isla dhaafi waayeen barbardhac min 3-3 ah ayaa loo baahday in rigooreyaal lagu kala saaro. Argentina ayaana ku badisay rigooreyaal 4-2 ah.

Argentina iyo xidigooda Messi ayaa muddo dheer baadigoob ugu jiray hanashada koobkan, oo ay ugu dambeysay sanadkii 1986-kii, markaas oo markeedii 2aad ay Argentina ku guuleysatay.

Horseed Media