Messi iyo Xulkiisii qaranka Argentina oo iska xaadiriyey Finalka koobka adduunka ee 2022ka

Published: December 14, 2022

Xulka qaranka Argentina ayaa iska xaadiriyey Finalka koobka adduunka ee ka socda dalaka Qatar kadib markii ay 3-1 kaga badiyeen xulka qaranka Groatia.

Xulka qaranka Argentina ayaa sugi doona ciyaarta u dhaxeysa Xulalka qaranka France Iyo Moroco xulkii soo baxo.

Messi ayaa jabiyey rikoodhkii gool-dhalinta xulka qaranka Argentina ee Koobka Adduunka ee uu hore u haystay Gabriel Batistuta, waxaanu rikoodhkaasi ahaa toban gool oo uu Koobka Adduunka ka dhaliyey.

Lionel Messi ayaa uu goolkani ahaa midkiisii 11aad ee uu Koobka Adduunka ka dhaliyo

Sidoo kale Lionel Messi ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da weynaa abid ee shan gool ka dhalliya hal koob adduun.

Sedddex ka mid ah shanta gool ee uu Lionel Messi ka dhalliyay koobka adduunka 2022 ayaa ah gool ku laadyo ama rigooreyaal.

Horseed Media