Metalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare Xagee ku Dhexjiraan?

Published: June 1, 2020
Qoraaga maqaalka Xil. avv Ismaaciil Warsame

Guddga dhamaystirka hannaanka sharciga Doorashooyinka ayaa soo bandhigey tallooyinkoodi, waxaana kamid ahaa in Gobolka Banaadir loogu daro metalaad Aqalka sare Xildhibaano gaaraya 7 Xildhibaan, haddaba waxaan is weydiineynaa sharci ahaan sida arrintan noqon karto, muxuu ka qabaa dastuurku?, sidee goboladu markii hore u qaybsadeen Xildhibaanada?, goboladee ayey ku dhex maqan yihiin metalaaadii gobolka Banaadir?.

Sida ku cad Qod 72aad ee Dastuurka Xubnaha aqalka sare waxay noqonayaan 54 xubnood keliya oo ku salaysan tirada 18kii gobol ee ka jiray soomaaliya ka hor 1991 .

Tani waxay caddaynaysaa in xubbaha aqalka sare lagu Jaangooyey tirada gobollada oo ah 18×3 =54 xubnood.

Gobol waliba wuxuu heliy metelaad is le’eg oo ah 3 Xubnood. Ta kale haddii lagu saleeyo isla qodobka 72aad farqadda b) oo ah in maamul goboleedadu helayaan metelaad isle’eg.

Waxay ka hor imanaysaa caqliga fiyow iyo isla qodobkan qaybtiisa hore waayo maamulada si siman looguma dhisan gobolada.

Tusaale: Dawlad goboleedyadu waxay u dhisan yihiin

Galmudug
Galguduud
Koonfurta Mudug
8 xubnoodGobol iyo gobol badhkii, Mudug (1/2 laba degmo iyo degmo u qaybsan Puntland/Galmudug 8/1.5 =5
Hirshabelle
Hiiraan
Shabeelaha Dhexe
8 XubnoodLaba gobol oo buuxa 8/2 = 4
Jubaland
J. Dhexe
J. Hoose
Gedo
8 XubnoodSaddex gobol 8/3 = 2.5, waxaa ka maqan 1 xubin
K.Galbeed
Bakool
Baay
Sh, Hoose
8 XubnoodSaddex gobol 8/3= 2.5 waxaa ka maqan 1 xubin
Puntland

Bari
Nugaal
Waqooyiga Mudug
Sanaag 2/3
Sool + Buuhodle
11 XubnoodCelcelis waa afar gobol 11/4=2.5, waxaa ka maqan hal xubin
SomalilandTogdheer -1
W/Galbeed
Awdal
Sanaag 1/3
11 xubnoodCelcelis ahaan waa saddex gobol iyo badh 11/3 =3.5

Sida ka muuqata shaxda sare xubnihii aqalka sare ee Gobolka Banaadir waxay ku dhex jiraan, Labada maamul ee Galmudug iyo Hirshabelle , labadan maamul ayaa marka la eego gobolada ay ka kooban yihiin waxay heli karaan isku dar 11 Xildhibaan, sidaas darteed waxaa dheeraad ku ah 5 Xildhibaan kuwaas oo saddex kamid ah ay yihiin kuwii gobolka Banaadir, halka labada kale ay ka kala maqan yihiin Jubaland iyo Koonfur galbeed.

Somaliland iyo Puntlad waxay ka kooban yihiin In ku dhow 8 gobol 8×3 = 24 Hadda waxay haystaan 11+11= 22 xubnood dhimman 2 xubnood !

Gabagabo

Waxa halkan ku cad in iyadoo lagu dhaqmayo Dastuurka ku meelgaarka ee Soomaaliya in gobolka Banaadir xuquuqdiisa ku heli karo in dib loogu noqdo dastuurka qodobkiisa 72aad sidoo kale gobollada kale ee ay ka maqan yihiin kuraasta waa in loo kala celiyaa iyadoo la waafajinayo tirada gobollada , xubnaha aqalka sare iyo Maamulada jira.
Wixii kale ee ay kordhiyaan guddi baarlamaan iyo hogaamiyaasha siyaasadda. Heer dawladda dhexe iyo maamul goboleedadu waxay baalmarsan yihiin qodobkaas 72aad ee Dastuurka mana laha sal sharci oo sax ah .

Waxaa qoray Garyaqaan Hon Ismail Mohamed Warsame Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Puntland

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *