Mexico oo canbaareysey derbiga TRUMP – VIDEO

Published: January 26, 2017

Madaxweynaha dalka Mexico Enrique Pe├▒a Nieto ayaa canbaareeyey go’aanka Donald Trump uu ku gaarey in uu dhiso derbiga muranka badan dhaliyey ee uu ku kala qaybinaayo Maraykanka iyo Meksiko

– Waan ka xumahay waan canbaareynayaa go’aanka Maraykanku qaatey ee ah in ay sii wadaan dhismaha derbiga, kaas oo muddo sanooyin ah na qaybiyey ayuu yiri Pena Nieto khudbad toos looga sii daayey Telefishanka.

Meksiko ma bixin doonto qiimaha ku baxa derbiga Donald Trump ayuu ku celiyey mar kale Madaxweynaha Meksiko.

Maalintii shalay ayaa Madaxweynaha cusub ee Maraykanku qalinka ku duugey hindisaha dhismaha derbiga kala qaybiya labada dal, kaas oo dherarkiisu noqonayo 3200km, waxayna ka mid ahayd ballan qaadkiisi ugu weynaa ee ol-olaha doorashada.

Qiimaha ku baxay derbigan ayaa la sheegay in uu gaarayo 10-12 bilyan oo dollar. Aqalka Kongresska ayaa laga sugayaa in ay ansixiyaan kadibna waxay sheegeen in ay lacagta ku dalici doonaan dalka Meksiko, sida uu sheegay afhayeenka Kongress-ka Paul Ryan.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *