Meydad hor leh oo Ceelaayo kasoo caariyey

Published: February 14, 2012

Meydadka 3-qof oo kamid ah tahriibeyaal Soomaali ah oo ay todobaadkii hore gacanka cadmeed doontii ay ku safrayeen kula degtey ayaa kasoo caariyey deegaanka (Cad-Caddo) oo 5-km dhinaca bariga Ceelaayo kaga beegan.

Duqa degmada Laas-qoray Yuusuf Jaamac Dibbad oo Horseed Media la hadlay isaga oo ku suagn deegaan xeebeedka (Cad-Caddo) oo maanta uu kormeer shaqo ku tegey ayaa sheegay in meydadkaas oo 2-kamid ahi ay dumar yihiin la aasay gelinkii danbe ee shalay.

Wuxuuna sheegay in muuqaalka meydadkaas oo in mudo ah badda dul sabeynayey uu ahaa mid aad u bedelan, isagoo intaas raaciyey in taasi ay ka dhigeyso tirada meydadka ilaa iyo hada soo caariyey ee la aasay 23-qof.

Khamiistii lasoo dhaafay ayey ahayd markii dooni yar oo nooca kaluumaysiga ah oo ay la socdeen tahriibeyaal ka tegey xeebaha magaalada Boosaaso ay ku qelibantay meel u dhow deegaanka Ceelaayo kadib markii iyadoo in mudo ah badda dul sabaynaysey ay dabaylo xoogani ku kaceen.

Dhinaca kale dadkii shilkaas ka badbaadey oo ay tiradoodu 15-qof tahay ayaa qaar kamid ah oo xaaladooda caafimaad ay aad u liidato waxaa lagu dabiibayaa Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso.

Welina waxaa maqan dhowr iyo toban qof oo kale kuwaas oo loo badinayo dhamaantood inay dhinteen maadaama hada mudo todobaad ah laga joogo xiligii ay doontaasi degtey.

 

Horseed Media