Laba iyo labaatan qof ayaa ku dhintay ka dib markii laba doonyood oo ay la socdeen tahriibayaal Soomaali ah ay kula qalibantay xeebaha Madagascar ee badweynta Hindiya,
Ugu yaraan 27 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhimatey laba doonyoon oo kula degey meel ku dhaw jaziirada Madagaskar ee badweynta Hindiya, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya Cabdullaahi Warfaa oo la hadlay Radio Muqdisho oo ku hadla afka dowladda ayaa sheegay in doonyahaasi ay saarnaayeen 70-qof oo rakaab ah dhammaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo la aaminsan yahay in ay ahaayeen tahriib.
“…Labada doonyood waxay sideen muwaadiniin Soomaaliyeed oo gaaraya 70 qof, doonta kowaad waxaa saarnaa 38 qof, waxaana ka soo badbaadey 20 qof oo kaliya, doonta labaad waxaa saarnaa 32 waxaa ka soobadaadey 23 qof oo isugu jira dumar iyo rag, isku dar waxaa badbaadey 43qof.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in labada doonyood ay ka baxeen xeebaha Soomaaliya 02 Nofeembar 2024, ayna ku jeedeen jaziirada faransiiska hoos tagta ee Mayotte.
Safiirku ma uusan sheegin xiliga dhcadadan balse waxa uu xaqiijiyay in meydadka la helay maalintii shalay ee Sabtida, sidoo kale dadka la soo badbaadiyey ayaa isla maalintii Sabtida la soo badbaadiyey, waxaana gacan ka geystey Kaluumeysato u dhalatey dalka Madagascar.
Dadka la soo badbaadiyey ee gaaraya 43 qof ayaa hadda la geeyey goobaha caafimaadka si xaaladooda wax looga qabto.
“Baaritaan ayaa socda, waxaana haynaa magacyada dhibanayaasha, waxaana la wadaagi doonaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda” ayuu yiri.
Badweynta Hindiya waxaa kor u kacay dhimashada muhaajiriinta sanadka 2024-ka.