Meydadka 27 muhaajiriin ah oo laga helay duleedka caaismadda dalka Zambia ee Lusaka

Published: December 12, 2022
Shares22

Meydadka dad ku dhow 30 muhaajiriin ah ayaa saaka laga helay xaafad ku taalla duleedka magaalada Lusaka ee caaismadda dalka Zambia.

Meydadkan oo tiradoodu dhan tahay ilaa 27 qof ayaa waxaa la sheegay inay ka soo jeedaan dalka Itoobiya.

Meydadkaasi ayaa mas’uuiyiinta jaaliyadda Soomaalida ee Zambiya ay sheegeen inaysan Soomaali ku jirin, iyada oo markii hore wararka horudhaca ah ay sheegeen inay Soomaali ay ku jirto.

Muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ayaa inta badan isticmaala Zambia marka ay u safrayaan wadamo ay ka mid tahay Koonfur Afrika, inkastoo wararka sheegaya in dadka ku dhinta tahriibka ay yar tahay.

Horseed Media