Waxaa maanta aas qaran loogu sameeyey magaalada Beledweyne meydadka askartii ciidanka xoogga ee dhowaan sida aanada qabiil loogu dilay degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidankan oo tiradoodu ahayd ilaa lix askari ayaa loo bartilmaameedsaday qabiil ahaan, waxaana xiisadii arrintaasi ka dhalatay dejiyey waxgaradka Beelaha Xawaadle iyo Abgaal, kuwaas oo isku afgartay in ugu horayn la aaso meydadka, kadibna laga wada xaajoodo xal u helida dhacdadan.
Dhanka kale, Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa amartay in lasoo qabto dadkii ka dambeeyey falkaasi lagu beegsaday ciidamada xoogga dalka.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Daahir Shire Maxamed ,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ,Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo duubabka dhaqanka ayaa magaalada Beledweyne uga qeyb galay salaadda janaasada meydadka askartaasi.
Horseed Media