Meydadka dad Soomaaliyeed oo laga helay burburka dhul-gariirkii Turkiga

Published: February 9, 2023

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirka ku dhuftay Turkiga ayaa kor u dhaaftay 9,000, sida laga soo xigtay laanta qaabilsan ka hortagga masiibooyinka dalkaas.

Dhinaca kale, waxaa adag in la xaqiijiyo tirada dadka ku dhintay dalka Suuriya oo sidoo kale uu ku dhuftay dhul-gariirkan, balse warbaahinta dowladda iyo kooxaha gurmadka ayaa sheegay in ku dhawaad 2,500 qof ay ku dhinteen waddankaas.

Tan iyo markii ay musiibadan dhacday waxaa soo baxayay warar sheegayay in dad aan ahayn muwaadiniinta Turkiga ay ku waxyeelloobeen dhulgariirka.

Baraha bulshada ee Soomaaliya ayaa lagu faafiyay sawirrada iyo magacyada arday Soomaaliyeed oo la waayay dhul-gariirka ka dib.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdullahi Ceydiid ayaa sheegay in arday Soomaali ah oo gaari looga soo qaaday gobollada dhul-gariirku ka dhacay ee Turkiga ay soo gaareen magaalada Ankara, kuwaas oo safaaradda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ay dejiyeen goobo ay ugu talogaleen.

Ardeydan oo saqdii dhexe ee xalay magaalada Ankara gaaray ayaa tiradoodu tahay 29 arday.

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Turkiga ayaa sheegay in ay wadaan dadaallo lagu baadi goobayo arday kale oo Soomaali ah oo lagu la’yahay dhul-gariirka iyadoo iyada shalay la helay meydadka laba ka mid ah ardayda Soomaalida ah ee wax ka baranaysay Turkiga, xilli ay socdaan howlaha gurmadka ee lagu soo badbaadinayo dadka ku dhex go’doonsan burburka dhismeyaasha.

Mid ka mid ah dhismeyaasha burburay ayaa la sheegay in dadka laga soo saaray ay k amid ahaayen laba nin oo dhalinyaro ah oo ka soo jeeda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, kuwaas oo midna uu geeriyooday midka kalena uu dhaawac yahay.

Horseed Media