Meydka Marxuum Cali Khaliif Gallayr Oo La Keenayo Muqdisho

Published: October 10, 2020

Alle ha u naxariistee Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo khamiistii lasoo dhaafay ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa maanta meydkiisa lagu wadaa in la keeno magaalada Muqdisho.

Diyaaradda sida meydka marxuumka ayaa la sugayaa, waxaana aadan cadde ku sugan guddiga qaban-qaabada aaska qaran, waxaana markii la keeno lagu tukan doonaa salaadda Janaasadda taasoo ay kasoo qaybgali doonaan masuuliyiin iyo madax sare.

Intaas kadib ayaa waxaa aas qaran loogu sameyn doonaa qabuuro ku yaalla magaalada Muqdisho.

Shalay oo jimce ah ayaa la filayay in meydka marxuum Galeyr la keeno Muqdisho, hase ahaatee dib ayaa loo dhigay, kadib markii muran uu ka dhashay halka lagu aasayo iyo qoyskiisa oo dalbaday in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo geeridiisa, balse ugu danbayn waa la xaliyey.

Dad badan oo aqoon dheeraad ah u lahaa Cali Khaliif ayaa shaki galiyey sababta geeridiisa, balse Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in Cali Khaliif Galeyr uu u geeriyooday Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *