Meydka xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf oo maanta Baargaal lagu aasayo

Published: February 1, 2012

Degmada Baargaal ee gobolka Bari waxaa saaka lagu aasayaa meydka -AHN- xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf oo ay mudo 4-beri laga joogo kooxo dabley ahi dileen.

Meydka xildhibaanka ayaa in mudo ah talaagad ku jirey kadib markii ehelkiisu ay diideen in la aaso ilaa cidii dilkiisa ka danbeysey loo soo gacan geliyo, halka kooxdii dableyda ahaa ee xildhibaan Bile dileyna ay ka biyo diideen.

Aaska meydka -AHN- xildhibaan Bile oo ay inu mudo ah ku howlanaayeen Isimo iyo waxgarad uu horkayo Beeldaajaha Cal-bari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa waxaa markii ay labada dhinac isku afgaran waayeen waxaa isu xilqaamay waxgaradka degmada Baargaal oo iyagu labada dhanba ku qanciyey in meydkaas sida ugu dhakhsaha badan loo asturo.

Nabadoon Faarax Maxamed Faarax (Fuq-yare) oo kamid ah Isimo iyo waxgarad labo beri kahor magaalada Boosaaso ka tegey kuwaas oo u gaaray degmada Baargaal sidii meydkaas loo aasi lahaa ayaa mar uu saaka isaga oo degmada Baargaal ku sugan nala soo xiriiray wuxuu sheegay in saaka la aasayo meydka -AHN- xildhibaan Bile Maxamuud Yusuf.

Nabadoon Fuq-yare waxa kale oo mar aan wax ka weydiiney sababta meydka -AHN- xildhibaan Bile aaskiisa mudada dhowrka beri ah dib loogu dhigay wuxuu sheegay in eheladiisu ay dalbadeen in loo soo gacan geliyo cidii dishey ayna ku adkeysteen in meydka aan la aasi doonin ilaa loo sheego cid ay magacooda ku aastaan.

Faarax Fuq-yare waxa kale oo uu xusay in qoladii xildhibaanka dishey oo ahaa dhowr nin oo dabley ahi ay ka biyo diideen inay si cad u qirtaan in dilka xildhibaanka ay iyagu ka danbeeyeen ,iyagoo sheegay in xildhibaankaasi uu ku dhintay wax ay ku tilmaameen howgal ka dhan ah maamulka Puntland sidaas darteedna aan dhiigiisa lagu lahayn.

27-dii bishii hore ee Jen ayey ahayd markii xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf oo ahaa mudane ka tirsan golaha Baarlamaanka Puntland ay kooxo dabley ahi ku dileen Kantaroolka degmada Baargaal ee gobolka Bari xilli uu hawlo shaqo deegaankaas u tegey isaga oo ka amba baxay magaalada Boosaaso oo uu mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaa, waxaana aaska meydka xildhibaankaas oo mudo dhowr beri ah lagu muran sanaa lagu wadaa inuu isla maanta ka dhaco degmada Baargaal.

 

Horseed Media