Nabadoon caan ka ah Puntland oo magaalada Bosaso lagu dhaawacay

Published: January 25, 2017

Magaalada Bosaso ee Puntland- Soomaaliya ayaa lagu dhaawacay mid ka mid ah nabadoonada ugu caansan gobolka Bari.

Nabadoonka la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Muuse Xaaji Faraax, waxaana dhaawaciisu uu yimid nabadoonka kadib markii koox hubeysan ay rasaas ku fureen.

Xiliga la dhaawacayey nabadoonka ayaa ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn hotel Yaasmiin oo ku yaala wadada dheer ee isku xirta bartamaha magaalada iyo kantaroolka.

Dhaawaca nabadoonka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili magaalada lagu dilay saraakiil ka tirsan Puntland-Soomaaliya.

Ciidanka ammaanka ayaa waxa ay wadaan baaritaano ku aadan dhaawaca nabaoonka, iyadoo kooxdii dhaawacday ay goobta ka baxsadeen.

Xaaladda caafimaad ee nabadoonka ayaa lagula tacalayaa isbitaalka weyn ee magaalada Bosaso

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *