Mid kamid ah shaqaalaha UNTV oo gaarigiisa lagu qarxiyey

Published: March 12, 2017

Gaari bom lagu xirey ayaa ku qarxey degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho subaxnimadii Axadda.

Qaraxa waxaa dhaawac culus ka soo gaarey wadihii gaari watey oo wararku sheegayaan in uu ahaa shaqaale ka tirsan Telefishanka Univerlsa TV, waxaana magiciisa lagu sheegay Xaamid Karsaay. Sidoo kale waxaa dhaawac soo garey gabadh ku dhaweyd halka gaarigu ku qarxey.

Bomka lagu xiro gawaarida ayaa noqdey mid aad u soo badanaya waxaana uu noqdey habka ugu fudud ee dadka lagu khaarijiyo sidoo kale gawaarida la is lee yahay waxay geli karaan gobaha dowladda ayaa iyaguna noqdey bartilmaameed.

Xildhibaan Cabdulqaadir Bootaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa dhawaan Gaalkacyo sidaan oo kale gaarigiisa lagu qarxiyey, waxaana soo gaarey dhaawac aad u culus.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *