Midawga Yurub oo diiddan in Britian ay dib u eegto heshiiska Woqooyiga Ireland

Published: June 14, 2022

Dawladda Britain ayaa daabacday qorshe ay ku joojineyso qaybo ka mid ah heshiiskii Woqooyiga Ireland ee ay dawladda Britain iyo Midowga Yurub la galeen sannadkii 2020-kii

Midowga Yurub ayaa dib u eegis lagu sameeyo heshiiskaan ku tilmaamay mid ka hor imaanaya qaanuunka caalamiga ah sidaas awgeed waxa ay Xukuumadda London ku qasban tahay in ay ku dhaafto sida uu yahay.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa ku doodday in sharci ahaan dib u eegis iyo wax ka baddel ku sameyn karto heshiiskaan oo aanay kahor istaagi Karin Midowga Yurub sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Britain.

Waqooyiga Ireland oo ay ku nool yihiin dad ku kala aragti duwan qorshihii Ingiriiska uu uga baxay Midowga Yurub ayaa u kala qaybsan labo dhinac oo kala ah: Qayb rabta in ay kasii mid ahaadaan Britain halka dhanka kale uu doonayo in uu ku biiro Jamhuuriyadda Ireland.

Britain ayaa 31 January 2020 waxa ay isaga baxday Midowga Yurub, waxaa jira heshiisyo kala duwan oo sahlaya in ay kala gurtaan labada dhinac waxyaabaha isaga darsan maadaama Ingiriiska uu door biday in uu gooni ka ahaado EU-da.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *