Mideeye iyo Sincad Oo Sheegay Inay Fariisinayaan Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka

Published: March 30, 2022

Urur Siyaasadeedyada Mideeye iyo Sincad ayaa sheegay inay wadaan diyaarinta sidii loo fariisin lahaa xildhibaanada golayaasha deegaanka ee kusoo baxay doorashadii qof iyo cod ee ka dhacday Qardho, Eyl iyo Ufayn.

Masuuliyiinta labada urur siyaasadeed oo shir isugu yimid ayaa ka wada hadlay caqabadaha hortaagan doorashadii hordhaca aheyd ee ka dhacday sadexda degmo ee 25kii Octoobar 2021.

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen labada urur siyaasadeed ayaa lagu eedeeyey xukuumadda Puntland ee uu hogaamiyo madaxweyne Deni kadib markii ay ka gaabisay fariisinta xildhibaanada golayaasha deegaanka.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *