Midowga Afrika oo diidey go’aankii uu Rooble ku cayriyey Danjire Madeira

Published: April 9, 2022

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa Moussa Faki Mahamat ayaa qoraal lagu baahiyey Twitter-ka rasmiga ah ee Midowga Africa waxa uu walaac kaga muujiyay go’aankii uu dhowaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka soo saaray ee dalka uu uga cayriyey Wakiilkoodi.

Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika, H.E. Moussa Faki Mahamat, waxa uu walaac ka muujiyay War-Saxaafadeed dhawaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kaasi oo ku saabsanaa xaaladda Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira.

Qoraalka ayaa dhanka kale lagu soo dhoweeyay tallaabadii uu Madaxweyne Farmaajo ku hor istaagay dalabka Ra’iisulwasaaraha, islamarkaana uu ku sheegay in Danjire Madeira uu sii wato shaqadiisa.

Guddoomiyuhu wuxuu dib u xaqiijinayaa kalsoonida buuxda iyo kalsoonida uu u qabo SRCC Ambassador Madeira wuxuuna ku celinayaa sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay sii wadista taageerada ay ku taageereyso Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay ugu dadaalaan soo celinta nabad waarta, amni iyo xasillooni.

Arrintan ayaa dhabar jab siyaasadeed ku ah raysalwasaare Rooble waxaana la is weydiinayaa waxa uu sameyn doono.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *