Midowga Afrika oo Ergay gaar ah u soo magacaabaya Soomaaliya , markii labaad

Published: April 22, 2021
Jerry Rawlings
Madaxweynihii hore ee Ghana oo dhamaadkii sanadkii 2010 loo soo magacaabey Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Golaha Amniga ee Midowga Afrika oo maanta shir ka yeeshey xaaladda cakiran ee Soomaaliya, ayaa war murtiyeedkii ay soo saareen ku dalbadey in Madaxweynaha Midowga Afrika si degdeg ah u magacaabo ergay gaar ah oo la kulma dhinacyada Soomaalida isla markanaa keena isu tanaasul.

Sidaan si lamid ah Sanadkii 2010 ayaa Midowga Afrika u soo magacaabeen Ergay gaar ah, kadib markii Baarlamaankii xilligaas uu samaystey muddo kororsi. Midowga Afrika ayaa soo magacaabey sanadkaas madaxweynihii hore ee Ghana Jerry Rawlings, waxaana dalka Raysalwasaare ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Jerry Rawlings ayaa dedaaladiisi ku dhameeyey Kampala Accord oo uu ku baxay Raysalwasaarihii xukuumaddii kumeelgaarka ahayd Mr Farmaajo.

Arrintan ayaa ka dhigan in ergayga gaarka ah ee la soo magacaabayo safaro ku tegi doono gobolada dalka isuna soo dhaweyn doono dhinacyada.

Waxaa horey u joogey dalka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey, waxaase hadda ku soo darsamaya Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika, iyada oo Farmaajo horey miciin u bidey Midowga Afrika in ay la tabantaabin karaan labada sano ee isu caano shubey.

 Accordingly requests the Chairperson of the AU Commission to immediately appoint and dispatch to Somalia, a High Representative as Special Envoy for Somalia, to work with the Parties and other concerned stakeholders, with the support of the Special Representative of the Chairperson of the Commission and Head of AMISOM, to reach a mutually acceptable compromise, and to report back to Council within the next four weeks;

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Arintan sidaan anigu u argo waji kale ayeey yelaneysaa mana noqoneyso arin dad badan ka farxisa, waxaana cajiib ah waa leys dareen sanyahay waxaana ku khasaraya kuwii awalba fursada rebey ineey 2 dhagax dhexdood kala soo baxaan.