Midowga Afrika Oo Ka Hadlay Weerarka Trump Ku Qaaday Hay’adda WHO

Published: April 8, 2020

Madaxa Ururka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay inuu Aad ula yaabay weerarka uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku qaaday Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO.

Wuxuu sheegay in midowga Afrika uu si buuxda u taageersan yahay madaxa WHO Dr Tedros,  islamarkaana loo baahan yahay in Caalamku uu xooga saaro la dagaalanka cudurka Coronavirus

Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka wuxuu ku sheegay inuu go’aansaday  inuu hakiyo tabarucaada Dawladda Mareykanku ay siiso hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

trump wuxuu si cad u weerarey madaxa ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) dr Tedros oo u dhashay wadanka Ethiopua, isagoo ku eedeeyey Ururka WHO inuu u janjeero dhinaca Shiinaha oo uu kasii jeestay xaaladaha cafimaad ee la xiriira CronaVirus ee ka jira gudaha dalkaasi Maraykanka waa sida uu hadalka u dhigay madaxweyne Trump.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *