Midowga Afrika Oo Ka Hadlay Xiisada Xuduudka Soomaaliya & Kenya

Published: January 26, 2021

Guddoomiyaha Midowga Afrika Mousa Faki ayaa ka hadlay xiisada ka taagan xuduudka u dhexeey Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii habeen hore dagaal khasaaro geystay uu ka dhacay degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.

War qoraal ah oo guddoomiyaha midowga Afrika ku qoray bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu la socdo xiisada ka taagan xuduudka labada dal, waxaana uu sheegay in laga shaqeyo nabad ay tahay mid muhiim ah.

“Waxaan aad u la socdaa xiisada u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya ee ka taagan xuduudka labada dal, Nabadda xadka ayaa aas aas u ah xasilloonnida Gobolka”

Mousa Faki

Hadalka guddoomiyaha midowga Afrika ayaa kusoo beegmaya xili dowlada federaalka Soomaaliya ku eedeysay dhigeeda Kenya inay Jabhad ay hubaysay soo weerareen, halka Kenyana sheegtay inuu dagaalkaasi kusii kordhinayo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkeeda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *