Midowga Afrika oo sheegtay in xaalad adag ay ka jirto qaybo kamid ah Soomaaliya

Published: December 12, 2022

Guddoomiyaha Guddi-Hoosaadka Wakiilada joogtada ah ee Midowga Afrika, Danjire Adenkule J.M.King ayaa warbixiyay natiijada kasoo baxday xog-uruurinta uu ku sameeyay xaaladda bani aadamnimo ee Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka cunnada & biyaha ah ay ka jirto qaybo kamid ah Soomaaliya.

Danjire Adenkule ayaa soo jeediyay in wax laga qabto duruuftaas si loo badbaadiyo dad badan oo haatan nool.

Adenkule ayaa tilmaamay in Abaarta ka jirta Soomaaliya awgeed loo baahan yahay in la helo jawaab degdeg ah oo lagu gacan-qabanayo Dadka saameynta taban ku reebtay Abaartaas oo deegaanno badan ka barakicisay qoysaskii degenaa.

Soomaaliya waxaa ka jirta Xaalad Bani aadamnimo oo saameyn taban ku reebtay ku dhawaad 8 Milyan oo ruux oo Xoolo dhaqato iyo beeraley ah kaddib markii is baddelka Cimilada saameysay dhulkii ay beeranayeen oo biyo la’aan u qalalay.

Horseed Media