Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Bixinta Sharciga Baarista Batroolka

Published: December 5, 2020

Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa walaac xoog leh ka muujiyey talaabada ay wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya ku bixinayso ruqsada baarista Batroolka.

War saxaafadeed kasoo baxay midowga musharaxiinta madaxweynaha ayaa lagu sheegay inay talaabadani liddi ku tahay nidaamnka dowlad wanaagga, isla markaana arrintani u arkaan boob qaran.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay bixinayso sharciga batroolka, sharciga canshuuraha khayraadka dhulka hoostiisa laga soo saaro iyo kuwo kale.

Hoos ka akhriso:

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *