Midowga Musharaxiinta Oo Baaq U Diray Farmaajo

Published: July 6, 2021

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa walaac darran ka muujiyay xaaladda dhalinyarada tababarka Ciidan loogu qaaday dalka Eratariya, kuwaasi oo la sheegay inay ka qeyb qaateen dagaalo ka dhacay dalka Itoobiya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan wel-welka iyo walaaca ay ka qabaan dhalinyarada tababarka loogu qaaday Erateriya ee nolol iyo geeri lagu la’yahay.

Musharaxiinta ayaa tilmaamay in arrintan ay tahay mid aan la iska indho-tiri karin, isla markaana uu Mas’uuliyadeeda qaadanayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *