Midowga Musharaxiinta Oo Ka Hadlay Shirka Muqdisho ee DFS & DG – VIDEO

Published: May 19, 2021

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay Shirka ay isugu imaanayaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee 20-ka bishaan ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Shirka Madaxda uu saldhig u noqon doono heshiiskii 17-kii Sep, sidoo kalena looga wada hadli doono xalinta khilaadka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.

Waxaa uu sheegay in Shirka ay kasoo qeyb geli doonaan dhammaan Madaxda dowlad Goboleedyada dalka, isla markaana Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta looga baahan yahay hoggaaminta Shirkaas ka dhacaya Muqdisho.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *