Midowga Musharaxiinta Oo Ka Shiraya Doorashooyinka Aqalka Sare

Published: August 14, 2021

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah waxaa shir seddex cisho socon doona uga furmay hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Shirka u furmay Golaha uu socon doono muddo saddex maalmood ah, isla markaana looga hadlayo doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday dowlad Goboleedyada iyo doorashada soo socoto ee Golaha Shacabka.

Waxaa uu sheegay C/raxmaan C/Shakuur in Musharaxiinta ay iska xog-wareysteen doorashooyinkii dhacay iyo walaaca Qaar ka mid ah Musharaxiinta ay ka muujiyeen doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay maamul Goboleedyada, waxay sheegeen maalinta ugu dambaysa ee shirka inay warmurtiyeed kasoo saari doonaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *