Midowga Yurub oo balanqaad $340 bilyan ah u sameeyey Midowga Afrika

Published: February 18, 2022

Midowga Yurub ayaa khamiistii shalay ku soo dhaweeyay xaruntooda Brussels in ka badan 40 hoggaamiyeyaal Afrikaan ah si ay dib ugu soo ceshadaan saamaynta ay ku leeyihiin qaarada Afrika, xili ay Shiinaha iyo Ruushka maalgashi xoog leh ka wadaan Afrika.

Qaar badan oo kamid ah dalalka Afrika ayaa si weyn ugu dhaliilay Midowga Yurub inuu kasoo bixi waayey balanqaadyadii hore oo ay ugu danbeysay tii deeqda Talaalka Covid19.

Midowga Yurub wuxuu bixin doonaa dhowr xirmo oo taageero ah si loo xoojiyo mashaariicda caafimaadka, waxbarashada iyo xasilloonida Afrika, wuxuuna ballan-qaadayaa kala bar maal-gashi cusub oo dhan 300 bilyan oo Yuuro ($ 340.USD) oo ay doonayaan inay kula tartamaan mashruuca weyn ee Shiinaha ee loo yaqaan (Belt and Road Initiative).

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *