Midowga Yurub oo ballan qaadey dhaqaalaha ku baxaya ballaarinta AMISOM

Published: February 20, 2012

Midowga Yurub ayaa doonaya in ay bixiyaan dhaqaalaha ku baxaaya balarinta ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM, kuwaas oo Qaramada Midoobey ka soo saartey qarar sheegaya in la gaarsiiyo in ka badan 17 000 kun oo askeri.

Masuul ka tirsan Midowga Yurub islamarkaana aan magiciisa la sheegin ayaa warbaahinta AP ka soo xigatey in Midowga Yurub ay dhaqale badan ku bixin doonaan ballaarinta AMISOM iyo weliba ciidamada Dawladda Federaalka si ay dalka Soomaaliya ugu soo celiyaan mid nabad ah oo cagihiisa ku taagan.

Masuulka ay warbaahinta AP soo xigatey ayaan sheegin dhaqaalaha saxda ah ee EU ay bixin doonaan laakiin waxa uu sheegay in dhaqaalaha hadda la siiyo AMISOM uu gaarayo $13 Milyan oo Dollar Bishii laakiin la gaarsiinayo laba jibaar.

Qaramada Midoobey ayaa dhawaan meel mariyey qaar qeexaya in ciidamada AMISOM 80% kor looqaado tiradooda, waxaana la gaarsiinayaa ilamaa iyo 18 000 oo askeri, inkasta oo aan la shaacin dalalka ay ka imaan doonaan.

Ciidamada Midowga Africa ka socda iyo kuwa Dawladda kumeelgaarka ah ayaa horumar weyn muujiyey bilihii u danbeeyey kadib markii ay xaqiijiyeen in ay banaanka uga saareen magaalada Muqdisho Malayshiyada kooxda al-Shabaab.

Dalka Soomaaliya ayaa 12 sano ee u danbeeyey ay soo mareen Dawlado kumeel gaar ah oo aad u taagdaran, kuwaas oo aan ku guuleysan in ay dalka nabad ku soo dabaalaan, waxaana hadda socda dedaal la doonaayo in kumeelgaarka laga saaro isla markaana loo yagleelo Soomaaliya Dawlad wax ka qaban karta amniga Beesha caalamkuan taageerto.

Horseed Media