Midowga Yurub oo Bixinaya Mushaharaadka Booliska Soomaaaliya Muddo 4 sanno ah-Sawiro

Published: March 2, 2017

Kadib Kulan ay magaaladda Muqdisho ku yeesheen Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Farkeeti, Taliyaha Ciidanka Booliska Maxamed Sheekh Xasan iyoSifiirka Midoowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Mrs. Veronique ayaa Safiirku waxay sheegtay in ilaa iyo 2020 ay boliisku u hayaan mushaahar ay ugu talagaleen, Ayna diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan dib u dhiska Ciidanka Boliiska gaar ahaan dhanka Mushaaraadka, qalabka iyo tababarka, Iyo Sidoo kale daryeelka Askarta da`da ah ee ku gaboobay hawsha Boliiska.

kullankan oo lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdishoayaa intii uu socday Waxaa lagu soo bandhigay daraasad muddo laba bil ah laga sameynayey xaaladda Dhaqaale iyo Ciidan ee uu boliisku ku sugan yahay, si ay boliisku ugu suurta gasho inuu si hufan u guto hawlihii loo egmaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kulanka ka sheegay in saraakiisha Ciidanka ay diyaar u yihiin sidii Midowga Yurub ay ugala shaqeyn lahaayeen hawlaha dib u habeynta Ciidanka.

Gabagabadii Shirka Waxaa hadalka qaatay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Farkeeti, isagoo dhankiisa caddeeyey in Boliisku uu tusaale yahay dib u habeynta Ciidamada Amniga Dalka.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *