Midowga Yurub oo shaqaalaheeda ka mamnuucday isticmaalka TikTok

Published: February 24, 2023

Midowga Yurub ayaa 32 kun oo shaqaalihiisa ah ku amray in ay TikTok ka tirtiraan taleefannadooda iyo dhammaan qalabka ee Midowga, sababo lala xariira amniga iyo badqabka xogta ku kaydsan.

Guddiga ayaa sheegay inuu dhaqangelinayo tallaabada ah ilaalinta xogta iyo in la kordhiyo ammaanka internetka.

TikTok oo ay leedahay shirkadda ByteDance ee waddanka Shiinaha ayaa wajahday eedaymo ah in ay aruursato xogta dadka barnaamijkeeda isticmaala markaas kaddibna ay u gacan geliso dowladda Shiinaha.

Horay dalka Hindiya ayaa u mamnuucay TikTok, halka Kongareeska Maraykanka uu ansixiyey in shaqaalaha dawladda Maraykanka ee heer federaal laga mamnuuco Application-kaas.

Horseed Media