Midowga Yurub Oo Taageeray Go’aankii Golaha Amniga Iyo Nabadda Midowga Afrika

Published: April 23, 2021

Midowga Yurub ayaa taageeray go’aankii golaha amniga iyo nabadda midowga Afrika ee ku qaadaceen mudddo kordhintii golaha shacabka u sameeyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War qoraal ah oo kasoo baxay wakiilka midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo Siyaasadda Amniga Joseph borrell ayaa lagu sheegay inuu midowga Yurub taageersan yahay diidmada muddo kordhin kasta, isla markaana ugu baaqay madaxda in dib loogu laabto miiska wadahadalka isagoo uu fududeynayo ergayga midowga Afrika.iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 Sebtember 2020.

Midowga Yurub ayaa wuxuu kaloo soo dhoweeyay baaqa ah in Shirka dalal ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCC) oo lagu qiimeynayo xaalada amni ee Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *