Midowga Yurub Oo Walaac Ka Muujiyey Xaalada Soomaaliya

Published: February 9, 2021

Midowga Yurub oo war kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee lagu heshiin waayay ayaa walaac ka muujiyey sida ay wax u socdaan.

War qoraal oo kasoo baxay Madaxweyne kuxigeenka ahna Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arimaha Dibadda Josep Borrell ayaa sheegay qabsoomid la’aanta doorashada inay dhaawac u keeni karto xiriirka Soomaaliya iyo EU-da.

” Ismariwaaga siyaasadeed ee hadda jira wuxuu dhaawacayaa kalsoonida Midowga Yurub ee horumarka Soomaaliya. Baahida degdegga ah ee jirta ayaa ah in la xalliyo ismari waaga siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka Soomaaliya iyo in la qabto doorasho sida ugu dhakhsaha badan iyo baahida deg deg ah ee loo qabo xalinta ismari waaga siyaasadeed ee qatarta ku ah mustaqbalka Soomaaliya iyo qabashada doorashooyinka sida ugu dhaqsaha badan.”

Josep Borrell

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *