Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee sanadka 2025 oo korortey 24%

Published: October 8, 2024

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shur degdeg ah yeeshay abeenimadii Salaasada ayaa cmeel mariyayqorshaha ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2025, taas oo dhan $1,342,476,311 (hal bilyan saddex boqol afartan iyo laba milyan afar boqol todobaatan iyo lix kun saddex boqol iyo kow iyo toban dollar)

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo golaha horkeentay Miisaaniyadda, ayaa soo bandhigtay kororka jira iyo ilaha kala duwan ee dakhliyadu ka soo xaroonayaan.

Kororka miisaaniyaddan marka loo barbar dhigo tan sanadka 2024 oo ahayd $1,079,315,783, ayaa waxaa siyaaday $263,160,528, oo u dhiganta koror dhan 24.4%.

Cashuurta iibka oo gaareysa 5% ayaa si rasmi ah uga dhaqan gashey Muqdisho markii u horeysey, taas oo la aaminsan yahay in ay qayb weyn ka tahay kororka dakhliga ee dowladda.

HORSEED MEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *