Milateriga Itoobiya oo qabsaday xarumihii maamulka ee Jigjiga.

Published: August 4, 2018

Muuqaalo laga soo duubay magaalada jigjiga laguna baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayaa iyadoo ciidamo ku gaashaaman hubka noocyadiisa kala duwan ay laa wareegeen guud ahaan xafiisyadii ay ku shaqayn jireen madaxda dawlad deegaanka soomaalida itoobiya, sidoo kale shacabka ayaa mudaharaad kala hortay ciidamadaas.

Sidoo kale xubno soo duubay muuqaal sheegayna inay ku sugan yihiin xarunta xisbiga ee jigjiga waxay sheegeen in saaka ay ku warheleen iyadoo magaaladii iyo xafiisyadii ay ku gadaaman yihiin ciidamada milateriga, waxayna sgheegeen in talabadaan ay ka dambaysay markii madaxweynaha Dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi maxamuud Cumar iyo raisal wasaaraha ay ku kala aragti duwanaadeen qoondada ay dadka deegaanku ku yeesheen shidaalka laga helay dhulka soomaalida.

Ugu danbayn shacabka ay ugu baaqeen dal iyo dibad inay isku duubnaadaan, sidoo kalena waxay xaqiijiyeen in aysan ogayn meel uu joogo madaxweynihii dawlad deegaanka soomaalida itoobiya Cabdi Mxamuud Cumar.

Horseed Media waxay isku dayday inay hesho goobjooge madaxbanaan oo uga warama xaalada saaka ka taagan jigjiga iyo sida ay wax yihiin, khaaaraha ka dhashay mudaharaadada socda welise nooma aysan suurta gelin, wixii soo kordha wararkeena dambe ayaan idiin kusoo gudbin.

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *