Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay soo rideen gantaal laga soo tuuray dalka Yemen

Published: July 21, 2024

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay soo rideen gantaal laga soo tuuray dalka Yemen.

Waxa ay sheegtay in difaaca gantaalaha ee Arrow 3 uu soo riday gantaalka ka hor inta uusan u gudbin dhulka Israel.

Kahor inta aan la soo ridin gantaalkan, seeriga hawada ayaa laga maqlay magaalada dekedda leh ee Eilat ee koonfurta Israa’iil.

Maalin ka hor, diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeyay dekedda Xudeydah ee Yemen, iyagoo ka jawaabaya diyaarad aan duuliye lahayn oo ay soo direen Xuutiyiinta oo jimcihii duqeysay Tel Aviv.

Horseed Media