Milatariga Soomaaliya iyo Ciidanka Galmudug oo dib ula wareegay deegaanka Camaara

Published: August 24, 2021

Wararka nagasoo gaaraya Koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay dib Alshabaab ugala wareegeen deegaanka Camaara, kadib weerar rogaal celin oo cir iyo dhul ah ku qaadeen deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in la duqeeyay meelihii maleeshiyada Shabaab ay ka joogeen Camaara, ka dibna Ciidanka Dowladda iyo Galmudug ay dib u galeen deegaankan oo ah mid istiraatiiji ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidnka ay si nabdoon xiligan gacanta ugu hayaan deegaanka ayna soo bandhigi doonaan khasaaraha ka dhashay howlgalka dib ula wareegista Camaara.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *