Militariga Israa’iil oo xaqiijiyay dhimashada hal askari oo lagu haystay Gaza

Published: June 25, 2024

Milatariga Israel ayaa Isniintii xaqiijiyay dhimashada askari ay haysteen dagaalyahanada Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza ku dhawaad ​​sagaal bilood tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii October.

Warbixin kale oo ay soo saareen ururka la haystayaasha iyo qoysaska la la’yahay ayaa lagu sheegay in Mohammad Alatrash la dilay intii uu socday weerarkii bishii Oktoobar lagu qaaday koonfurta Israa’iil, maydkiisana ay qafaasheen dagaalyahannada Xamaas.

Dagaalyahanada Falastiin ayaa sidoo kale weerarkii Oktoober ku qafaashay 251 qof oo 116 kamid ah ay weli ku sugan yihiin marinka Qaza, sida ay sheegtay Israel. Halka la sheegay in 42 kamid ah ay dhinteen, oo ay ku jiraan ugu yaraan sagaal askari.

Duulaanka aargoosiga ah ee Israel iyo duqeymaha Marinka Gaza ee socday sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay ayaa sababay xasuuqa ugu yaraan 37,626 Falastiiniyiin ah, oo u badan haween iyo caruur.

Horseed Media