Mire Awaare: Bari VS Karkaar, Haylaan VS Nugaal

Published: February 6, 2012

Ciyaaro la oran karo waa kuwii ugu xiisaha badnaa tan iyo intii uu bilowday tartanka kubadda cagta ee gobolada Puntland ayaa galabta ka dhacaya garoonka Mire Awaare ee ku yaal magaalada caasimada ah ee Garoowe.

Qaybta 1-aad ee ciyaaraha galabta waxaa isku arki doona labada xul ee Karkaar iyo Bari, ciyaartan ayaa ah mid si weyn loo wada sugayey waana tii ugu horeysey ee ay labadaas xul wada yeshaan tan iyo bilowgii tartanka.

Qaybta danbena waxaa wada dheelaya labada xul ee Haylaan iyo Nugaal, gobolka Nugaal labadii kulan ee uu horay usoo yeeshay wuu kusoo adkaaday halka gobolka Haylaan marna uu bareejo galay marna laga badiyey.

Rajada gobolka Bari ee ah inay usoo baxaan wareega 2-aad ee tartanka ayaa ah mid aad u adag waxayna ku xiran tahay natiijada ay galabta ka keenaan ciyaarta ay xulka gobolka Karkaar la yeelanayaan.

Natiijooyinka ay ciyaarahaasi kusoo dhamaadaan iyo sawiradaba Horseed Media marka ay soo gaba gaboobaan ayey idiin soo gudbin doontaa, waxaana soo gudbinta wararka ku saabsan ciyaaraha ka socda garoonka Mire Awaare gacan ka geysatey shirkadda isgaarsiinta geyigeena ee Golis.

Horseed Media