Mire Awaare: Mudug VS Sanaag, Sool VS Cayn

Published: February 5, 2012

Maalintii 5-aad waxaa garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe ka soconaya tartanka kubadda cagta ee gobolada Puntland.

Tartankan oo ah kii 6-aad islamarkaana ay ka qayb gelayaan 8-xul oo metelaya 8-da gobol ee Puntland ayaa maraya meel aad u xiisa badan.

Ciyaaraha galabta oo ay isku arkayaan 4 xul oo adag ayaa waxaa qaybta hore yeelanaya labada xul ee Mudug iyo Sanaag, qaybta danbena waxaa ku herdami doono xulalka gobolada Sool iyo Cayn.

4-ta xul ee galabta ciyaaraya ayaa waxaa horay usoo badiyey Mudug iyo Sanaag, waxaana ciyaarihii ay horay usoo yeesheen looga soo adkaaday xulalka Sool iyo Cayn.

Dhinaca kale ciyaarihii shalay dhacay oo ahaa kuwo aad u xamaasad badan ayaa waxaa aad dadku u hadal hayaa ciyaartii bar bar dhaca kusoo idlaatay ee dhex martay xulalka gobolada Bari iyo Haylaan.

Xulka Bari oo kaalinta 2-aad ka galay tartankii 18-aad ee gobolada Soomaaliya islamarkaana haysta dhowr koob oo uu tartanka hada socda ee gobolada Puntland ka qaatay ayaa waxaa hoos u dhacday rajadii ay ka lahaayeen inay koobka qaadaan.

Bari waxaa laga soo badiyey mid kamid ah labo kulan oo ay horay usoo yeesheen halka ay midka kalena bareejo galeen, waxayna u badan tahay inay ku haraan wareega 1-aad ee tartanka.

saadaasha ugu badan ee ay dadku bixinayaan ayaa ah in ciyaarta kama danbeysta ah ay isugu soo hari doonaan labada xul ee kala metelaya gobolada Mudug iyo gobolka martida loo yahay ee Nugaal oo aan weli laga badin

Faah faahin ku saabsan natiijooyinka ay ciyaaraha galabta dhacayaa kusoo gaba gaboobaan iyo Sawiradaba ka filo Horseed Media saacadaha soo fol leh.

Horseed Media