Mire Awaare: Nugaal VS Sanaag

Published: February 9, 2012

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa galabta ka dhacaysa ciyaar aad u xiisa badan oo ka tirsan tartanka kubadda cagta ee gobolada Puntland.

Ciyaartan oo kooxdii badisaa ay u gudbeyso wareega kama danbeysta ah ee Final-ka ayaa waxaa isku arkaya labada xul ee kala metelaya labada gobo ee Sanaag iyo gobolka Martida loo yahay ee Nugaal.

Xulka Nugaal oo dadka intooda badani ay u saadaalinayaan inuu koobkan qaadi dooni ayaan marna laga badin 3-dii ciyaaradood ee uu horay usoo yeeshay waana xulka ugu goolsha badan.

Sidoo kale gobolka Sanaag oo isna ah xul aad u adag ayaa qaar kamid ah ciyaartoyda galabta u dheeleysa oo Horseed Media la hadlay waxay sheegeen inay og yihiin in xulka Nugaal uu yahay mid aan la dhayalsan karin haseyeeshee ay ka go`antahay iyaga inay ciyaarta galabta badiyaan si ay Finalka ugu soo baxaan.

Qaban qaabo xoogan oo ku aadan ciyaarta galabta dhacaysa ayaa xiligan ka socota garoonka kubadda cagta ee magaalada Garoowe, waxaana garoonka soo buux dhaafiyey kumanaan taageerayaal ah oo xilli hore boosaskooda sii qabsaday si aan tikidhada looga dhamaysan.

Natiijada ay ciyaartaas oo ka tirsan tartanka 6-aad ee kubadda cagta gobolada Puntland kusoo gaba gabowdo iyo sawiradaba Horseed Media saacadaha soo fool leh ayey idiin soo gudbin doontaa.

Horseed Media