Mogadishu: Jawaari oo sheegay in Doorashada Madaxweynaha la dadajinayo – VIDEO

Published: January 22, 2017

Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa kulan uu la yeeshay qaar kamid ah Murashaxiinta Madaxweynaha sheegay inay dadajin doonaan xiliga la qabanayo doorashada.

Jawaari ayaa Muqdisho kulamo kula yeeshay qaar kamid ah Murashaxiinta ka cabanaya dib u dhaca lagu keenay Doorashada Madaxweynaha, wuxuuna kulamadii ugu danbeeyey la yeeshay Isbaheysiga Murashaxiinta ay kamid yihiin Madaxweynihii hore Shiikh Shariif Axmed iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo isagu hada xubin ka ah Aqalka Sare.

“…Waxaa jira warar been ah oo la baahiyey balse xiliga doorashada maaha mid weli la shaaciyey waxaana lagu dhawaaqi doonaa marka ay dhamaato doorashada Guddoonka Aqalka Sare, waxaana kadib fadhi yeelan doona Labada Aqal oo shaacin doona xiliga doorashada…” ayuu yiri Jawaari oo sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin inay dadajiyaan Doorashada Madaxweynaha.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *