Mucaaradka Puntland Oo Sheegay Inay Aqoonsanayn Guddiga PEC

Published: October 14, 2023

Dallada mucaaradka Puntland, ayaa shaaciyay in aanay aqoonsanayn guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Puntland ee PEC, kuwaas oo madaxweyne Deni uu xalay sheegay in ay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah.

War saxaafadeed ay soo saareen kooxaha mucaaradku ayay ku sheegeen, in dhismaha guddiga doorashada Puntland loo maray sifo sharci darro ah, sidaas daraadeedna ay wax kaste oo ay soo saaraan yihiin sharci darro.

” Waxaan cadaynaynaa inaan aqoonsanayn ku dhaqanka dastuurka la bedelay ee Puntland iyo dhismihii PEC kaasoo loo maray sifo aan waafaqsanayn dastuurka, sidaas darteed wax kasta oo PEC soo saarto waa sharci darro.” ayaa lagu yiri; Warsaxaafadeedka.

Sidoo kale dallada mucaaradku waxay sheegeen in Deni uu doonayo xukun maroorsi iyo waqti kororsi aan waafaqsanayn dastuurka, taasoo ay sheegeen inay khatar ku tahay nabadda Puntland.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media