Mucjisada kubadda cagta oo kooxda Inter Maimi keenay Finalka

Published: August 16, 2023
Shares8

Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii sagaalaad lixdii kulan ee uu ciyaaray, iyadoo kooxdiisa Inter Miami ay 4-1 ku uga badisey kooxda Philadelphia Union, isla markaana u gudubtay kama-dambeysta koobka Leagues Cup.

Philadelphia, oo gaartay finalka MLS Cup sannadkii hore, isla markaana rikoor weyn ku leh gurigeeda, ayaa diyaar u ahayd inay noqoto tijaabadii ugu weyneyd ee Miami tan iyo markii uu weeraryahanka waddanka Argentina uu soo biiray.

Laakin kooxda martida aheyd ee Inter Miami ayaa markale si dardar leh ku billowday ciyaarta kadib markii uu Josef Martinez uu dhaliyay gool seddex daqiiqo markii ay ciyaarta socotay kubad uu ka helay Serhiy Kryvtsov.

Messi ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 kadib markii uu daqiiqaddi 20-aad meel fog ka toogtay shabaqa kooxda Philadelphia. Jordi Alba iyo David Ruiz ayaa dhaliyay goolasha kale ee Miami.

Miami ayaa dhalisay 21 gool lixdii kulan ee ugu dambeysay.

Guusha ayaa sidoo kale la macno ah in Miami ay ciyaari doonto markoodii ugu horeysay abid ee koobka CONCACAF Champions League sanadka soo socda.

Horseed Medoa + Wakaaladaha