Mudaaharaadyada Panama oo weli socda kadib sare-u-kaca qiimaha shidaalka iyo cuntada

Published: July 13, 2022

Kumanaan reer Panama ah ayaa maalintii shalay ee Talaadada ah isugu soo baxay waddooyinka mar kale si ay uga mudaaharaadaan sicir bararka iyo musuqmaasuqa dowladda, inkastoo lagu dhawaaqay qiimo dhimis lagu sameeyay shidaalka iyo qaar ka mid ah cuntada daruuriga ah.

Mudaaharaadyadan ayaa socday muddo laba toddobaad ah, waxaana la xiray qaar ka mid ah waddooyinka waaweyn oo ay isugu soo baxeen dad caraysan.

Madaxweyne Laurentino Cortizo ayaa Isniintii ku dhawaaqay in qiimaha shidaalka baabuurta gaarka loo leeyahay la dhimi doono ilaa $3.95 halkii gallon (3.8Litir) laga bilaabo Juulay 15, taas oo ah qiimi dhimis gaareysa 24% qiimaha uu joogey dhamaadkii bishii June.

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in dowladiisa ay diyaarin doonto go’aan lagu dhimi doono qiimaha cuntada daruuriga ah.

Laakiin ururo dhowr ah ayaa sheegaya in mudaaharaadyadu ay sii socon doonaan ilaa laga helayo hoos u dhac guud oo ku yimid qiimaha cunnada iyo qiimaha shidaalka.

Hanad Askar – Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *