Mudanayaasha Aqalka sare oo maanta dooranaya shir-guddoonkooda

Published: January 22, 2017

Mudanayaasha Aqalka sare ee Soomaaliya oo ka koban 54 mudane ayaa dooranaya Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen.

Sida uu qabo jadwalka doorashada ee maanta oo Axad ah ka dhacaya Muqdisho waxaa marka hore la dooran Guddomiyaha oo ay ku tartamayaan laba musharax oo keliya, kuwaas oo kala ah Cabdi Xaashi oo horey u ahaan jirey Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo Mustafe Qodax oo horey u ahaa Xoghayaha xisbiga Waddani ee Somaliland ugu danbeyna ahaa Agaasime ku xigeenka Telefishanka Somaliland.

Doorashada guddoomiyaha ayaa maraysa hal wareeg oo keliya maadaama ay laba musharax oo keliya ku tartamayaan.

Guddomiye kuxigeenada waxaa u tartamaya midkiiba 7 xubnood kuwaas oo hal warqad lagu wada dooranayo isku mar haddii cod aqlabiyad ah waayaan laba kamid ah kuwa u tartamaya kuxigeenka 1aad iyo 2aad ayaa wareega labaad waxaa u gudbaya 6 musharax ee ugu codka badan.

Doorashada shirguddoonka Aqalka sare kadib ayaa lagu wadaa in labada Aqal oo wada jir ah ay kulan yeeshaan kadibna ay iska dhex doortaan guddiga doorashada Madaxweynaha taas oo lagu wado in ay dhacdo maalmaha soo socda waxaana dooranaya labada aqal oo la isku darey taas oo gaareysa 329 Xildhibaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *