Mudane Carte oo soo dhaweeyey go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda

Published: February 2, 2017

Ra`iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa soo dhaweeyay go`aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ay ku aqbashay dacwada Soomaaliya ee ku saabsan murranka soohdinta badda ee dalkeennu uu kala dhaxeeyay Kenya.

Mudane Carteh ayaa ku tilmaamay go`aankaas guul weyn oo u soo hooyatay dhamaan dadka Soomaaliyeed isaga oo kula dardaaramay in ay xoojiyaan isku duubnidii ay shacbiga muujiyeen intii ay socotay dacwaddu.

“Farxad weyn bey ii tahay in aan maqlo in ICJ aqbashay dooddii Somalia ku dacwootay in Maxkamaddu qaaddo dacwadda ku saabasan muranka badda ee inaga la dhaxeeya Kenya. Waa guul taariikhi ah waxaanan Illaahay ka baryeynaa in uu inagu guuleeyo dacwaddan. Waxa aan shacbiga ku boorinayaa in ay sii wadaan midnamadii ay muujiyeen inti ay dacwaddu socotay oo runtii aad ii qiiro gelisay”.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa u mahadnaqay Garyaqaanadii iyo dhammaan Diblumaasiyiintii iyo cid kasta oo ka qaybqaadatay in Soomaaliya guushani u soo hoyoto.

—–DHAMAAD—–

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *