Mukhtaar Maxamed Mursal oo loo doortay kursiga Hop176

Published: March 12, 2023

Mukhtaar Maxamed Mursal ayaa loo doortay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-176 ee deegaan doorashadiisa ay tahay Koonfur Galbeed, taas oo maanta Baydhabo ka Qabsoontay.

Doorashadani oo ay gar wadeen ka yihiin Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Baarlamaanka 11aad ayaa waxaa Mukhtar Maxamed Mursal kula tartamayay musharax Khadiijo Samow Cabdi.

Wadarta Ergada soo xaadirtay kooramka ayaa ahayd 101.

Codaynta Doorashada markii la gudogalay ayaa waxaa tanaasulay Khadiijo Samow Abdi, sidaasna waxaa gacantaag loogu codeeyay Mukhtar Maxamed Mursal oo helay codadka dhammaan ergada oo dhameyd 101 ergo mana jirin cid diiday ama ka aamustey.

Mukhtar Mohamed Mursal waxaa dhalay Alle ha unaxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamed (Booroow) oo 20th September sanadkii hore ku geeryoodey magalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Horseed Media