Munaasabad lagu dhiirigalinayay saraakiisha ciidamada oo lagu qabtay Wasaaradda Gaashaandhigga

Published: April 15, 2022

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdifataax Qaasim iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan  gaashaandhigga ayaa ka qeyb-galay xaflad lagu  dhiiri-galinaayey  Shahaado siinta saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo ka qeyb qaatay Xuska 12-ka April ee sanadguurada 62 aad.

Xafladdaasi waxaa sidoo kale ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Maxamed Saciid Samatar Gacaliye, Taliyaha CXDS  Gen.Odawaa Yuusuf Raage iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan ciidanka xogga.

Wasiir ku Xigeenka iyo xubnijii kale ee ka hadlay xafladdaasi, waxa ay bogaadiyeen dadaalada ku aadan tayeynta, qalabeynta iyo dib-u-dhiska  ciidanka ee xilliyadaan ka muuqda dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *