Munaasabadda gunaanadka nabadeynta Collaadii Saax-maygaag iyo Sangajabiye

Published: April 7, 2022

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa ka qayb galay munaasabadda gunaanadka shirka nabadaynta beelaha walaala ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanada Saax-maygaag iyo Sangajabiye.

Guddiga nabadeynta howshan loo xil saaray ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka iyo guud ahaanba munaasabadda la wadaagay go’aamada lagu heshiiyay oo faahfaahsan.

Mudane Axmed Cilmi Cismaan, ayaa Munaasabadda kaga dhawaaqay in Dowladdu qaadatay go’aanka guddigu soo saaray, waxa uu sheegay in lagu shaqayn doono, isla markaana ciddii ka hortimaada la iska qaban doono, Dowladd iyo shacabba.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta kala duwan ee howsha nabadaynta kasoo shaqeeyay sida Isimada,Guddiyada, Ergada laba dhinac iyo Masuuliyiinta kale ee Dowladda.

Shirkaan waxaa ka qayb-galay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka Puntland Abukaate Cabdicasiis Cabdillaahi Cismsan, Isimmo wasiiro ka tirsan dowladda, Nabdoono, Guddiga dhexdhexaadinta, Culimaa’udiin iyo masuuliyiin kale.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *